Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo guddi xalin khilafaad magacaabey [AKHRI]

Image

GAROWE - Kadib markii qaar ka tirsan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenka Gaas Cabdixakim Camey ku gacan seyreen guddiga xalinta khilafaadka ayaa waxaa la magacaabey xubno kale.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gurigiisa caawa fiidkii ugu yeerey saxaafada waxaa uu soo saarey guddi cusub kaasoo lagu magcaabey mid xalinaya khilafaadka beelaha soo magacabaanaya xildhibanaada.

Waa markii ugu horeysay taarikhda Puntland Madaxweyne ku xigeen soo saaro guddi xalin khilaaf isagoo ka horyimid go’aanka Madaxweynaha ay xilka soo wada-hayeen mudada Shanta sano ah.

Camey iyo Cabdiweli Gaas ayaa khilaafkoodu taagnaa mudooyinkaan dambe taas oo wax yeeshey wada-shaqeyn tooda.

Lama oga go’aanka musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ka qaadan doonaan go’aanka ku xigeenka ku magacaabey guddigaan.

20 sano uu jirey maamulka Puntland waxaa guddiga xalinta khilafaadka magacaabi jirey Madaxweynaha balse waxay ku kala duwanaayeen xubnaha xilka haya iyo madaxdii hore waxaa jirey wadshaqeyn u dhexeysay hay’adaha dowliga ah iyadoo dhinaca kale  xubnaha musharaxiinta ku  qanci jireen xubnaha lasoo magacaabo. 

Puntland ayaa ku guuldareyaatey iney doorasho Hal Cod iyo Hal Qof ah u gudubto Labaatankii sano ee lasoo dhaafey iyadoo siyaasiyiinta iyo shacabka dagan maamulkaan aysan oa shaqeyn sidii  go’aan uga gaari lahaayeen cidda raamiga ah ee xaqa u leh magacaabista guddigaan kaasoo aysan jirin xeer Dastuuri ah oo qeexaya. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM