Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaarey Buuhoodle

Image

BUUHOODLE-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Cameey ayaa safar uu ku gaarey Buhoodle xarunta gobolka Cayn kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada gobolkaas.

Cabdixakiim Xaaji Cumar Cameey oo kasoo jeeda gobolka Cayn ayaa safarkiisa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ay kacsan tahay xaalada gobolada Sool, Cayn iyo Sanaag.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro xaalada colaada ee ka taagan Tukaraq halkaasoo isku-horimaadyo ku dhexmarayeen bishaan May gudaheeda ciidamada maamulada Puntland iyo Somailand.

Dagaalkaan ayaa saameyn ku yeeshey shacabka degan goboladaan kuwasoo Tobankii sano ee ugu dambeysay u kala qaybsanaa kamid ahaanshaha maamulada Puntland iyo Somaliland halka qaar kale raadinayeen sidii ay u sameysan lahaayeen dowlad goboboleed iyaga gaar u ah.

Ku xigeenka Puntland oo aan wayadaan dambe xiriir wanaagsan la laheyn Madaxweyne Gaas ayaa sida warsidaha Garowe online fahansan yahay waxaa culeys  ka haystey saameynta siyaasadeed ee uu ku leeyahay gobolka Cayn.

Dhinaca kale hadal ay dhowaan soo saareen qaar ka tirsan Issimada gobolka Cayn ayay ku taageereen maamulka Puntland iyagoo cambaareeyey qabsashada Somaliland ee Tuulada Tukaraq. Halkaan ka akhri

Kacdoonka shacabka ku nool degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maamulka Somaliland ku khasbey iney xiraan talefishano iyo dadweyn taageeray dagaalka ka socda Takaraq gaar ahaan Puntland. Halkaan ka akhri 

Maamulka Puntland iyo Somaliland ayaa weli ku jira abaabul dagaal iyadoo laga cabsi qabo in markale dagaal ka dhaco tuulada Tukaraq.

Garowe online kala soco booqashada Madaxweyne ku xigeenka ee Buhoodle

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM