Waxgaradka SSC "Puntland ayaanu dowlad la dhisanay" [Daawo]

Image

BUUHOODLE, Puntland- Waxgaradka kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo kulan ku yeeshay magaalada Buuhoodle ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland waxayna xukuumadda Hargaysa ugu baaqeen inay isaga baxaan meelaha ay kaga sugan saddexdaas gobol.

Odoyaasha dhaqanka oo qaybtood shirkaas uga qayb galay khadadka Taleefonka waxay sheegeen inay wax ka dhisteen maamulka Puntland islamarkaana been abuur tahay xuduuda ay ku doodayso Somaliland.

Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale oo ka hadlayay colaada ka taagan Tukaraq iyo sheegashada Somaliland ee gobollada SSC ayaa sheegay inay horay u cadeeyeen hadana cadaynayaan inaysan dowlad la lahayn Somaliland islamarkaana aysan wax heshiis ah la galin.

Waxay tilmaameen in mudadii Somaliland joogtay gobolladan ay baajinayeen dhiig daata, balse xukuumadda Hargaysa ay u tafa xaydatay inay kusoo duusho shacabka gobolka Sool islamarkaana hubkeedii kusoo daad gurayso Tukaraq, waa sida ay hadalka u dhaheene.

"Waxaan u sheegaynaa beesha Caalamka anagu Puntland baan wax wada dhisanay, laakiin walaalahayo Waqooyi heshiis kuma nihin," ayuu yiri Garaad Saleebaan Buraale.

Boqor Cabdullaahi Axmed Cali oo khadka Taleefonka uga qayb galay shirkaas ayaa yiri, "Xadka nimankaas sheegayaan waa Labida Gaatama England dalka waa wada xukumay."

Sidoo kale Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo goobta ka maqnaa balse isgaarsiinta kaga qayb galay ayaa si cad uga horyimid qorshaha Somaliland ku sheegaynayso gobollada SSC isagoo xusay inaysan jirin meel ay wax kuwada dhisteen iyo bar ay heshiis ku yihiin.

Hadalka waxgaradka ayaa yimid xilli xukuumadda Hargaysa caburin ka wado magaalada Laas-caano iyagoo xabsiga u taxaabay dad badan oo shacab ah kuwaasoo bannaanbax ka dhigay xarunta gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM