Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay taliyaal ciidan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay taliyeyaal ciidan, sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo ku taariikheysan 6-da October.

Sidda laga soo xigtay digreetooyin taxane ah, saraakiisha oo kahor inta aan loo magacaabin jagooyinka ayaa waxaa loo dalacsiiyey darajadda Gaashaanle Dhexe.

Bashiir Cali Maxamed ayaa waxaa laga dhigay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag, halka Muumin Cabdi Shire loo xushay xilka Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xubnahan oo lagu xushay "karti, aqoon iyo hawl-karnimo ciidan" ayuu Deni, sida ku xusan wareegtooyinka, u rajeeyay in waajibaadka culus ee loo igmaday ay kasoo baxaan.

Nugaal iyo Sanaag ayaa safka hore kaga jira gobolada ugu muhiimsan ee Puntland dhinac mal walba oo ay ku jiro ammaanka oo xukuumadda ay siineyso ahmiyadda koowaad sidii loo adkeyn lahaa.

Deni ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay in ka shaqeynta nabad-gelyadda iyo horumarinta uu maamulkiisa isku wadi doono, isaga oo ku booriyey dadweynaha in ay kaalin weyn ka cayaaraan.

Xukuumadda ayaa mudooyinkii dambe karaar-siisay fulinta qorsheyaasheeda dhanka amniga iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaana dhowaan Garowe lagu qabtay Shirka Maalgashiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM