Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo ku kulmay Gaalkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa markii ugu horeysay kulmay tan iyo markii ay xilalka ka qabteen dowladaha xubinta ka ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa isku arkay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Gaalkacyo. Kulanka waxaa ku wehliyey wasiiro labada dhinac ka kala socday.

Wallow ay qoraal kooban kasoo saartay, Madaxtooyadda Puntland oo aan tafaasiil ka bixin qodobada shir-madaxeedka lagu lafaguray ayaa adeegsatay kalmada in Deni uu "qaabilay" dhigiisa Qoor.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa hadda qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Gaalkacyo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo," ayaa lasoo dhigay barta Facebook ee Maaxtooyada.

Dhanka kale, madaxtooyadda maamul goboleedka xaruntiisu tahay magaaladda Dhuusamareeb oo bayaan kooban soo saartay dhankeeda ayaanan fahfaahin ka bixin ajandaha kulanka.

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye 'Qoorqoor' ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni," ayaa lagu soo qoray barta Facebook ee Maaxtooyada.

Labada maamul ee deriska ah ayaa waxay kawada arimiyaan xarunta gobolka Mudug, waxayna kawada shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo nabadda.

Dhanka kale, Deni iyo Qoor ayaa kawada qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, kaasoo looga wada hadlay amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha.

Kulankaan ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in dhowaan uu Muqdisho ka furmo Shirka Amniga Qaranka oo madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamulada loogana hadlayo Amniga iyo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM