Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jabuuti oo kulan yeeshay

Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, CITY, Jabuuti - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kulan kula qaatay, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxay ka wada hadleen xaaladda Guud ee Soomaaliya, xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Kulanka Labada Madaxweyne waxaa ka qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Wasiirada ee Puntland iyo Jabuuti, wuxuuna kusoo dhammaaday guul.

MUUQAALKA LABADA MADAXWEYNE

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/zMXIRNFY6tM" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM