Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jabuuti oo kulan yeeshay

Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, CITY, Jabuuti - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kulan kula qaatay, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxay ka wada hadleen xaaladda Guud ee Soomaaliya, xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Kulanka Labada Madaxweyne waxaa ka qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Wasiirada ee Puntland iyo Jabuuti, wuxuuna kusoo dhammaaday guul.

MUUQAALKA LABADA MADAXWEYNE

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/zMXIRNFY6tM" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM