Magacyadda shaqsiyaadka "ku lugta lahaa" dilkii Paul ee la xukumay

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Ciidamadda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay xukuno kala duwan ay ku ridday shaqsiyaad lagu eedeeyay in ay ka qayb-qaateen dilka Paul Anthony Farmosa.

Marxuumka ayaa wuxuu ahaa Agaasimihii shirkada P&O Ports ee dekadda xarunta gobolka Barri ahna wakiilka marsadaasi ee DP World.

Paul, oo kasoo jeeda Jaziiradda Malta, ayaa 4-tii Febraayo sanadkan 2019, waxaa lagu toogtay qaybta kalluunka ee marsadda Boosaaso, iyadda oo isla goobta lagu khaarijiyey dableygii falkaasi ka dambeeyay.

Dadka loo xukumay falkan oo ay kamid tahay haweenay ayaa waxaa ku jira qaar maqane ah balse xeer-beegtadda ay garka u gelisay xukun dil toogasho dhamaantooda, maadaama "ay kaalin weyn ku lahaayeen".

Caasha Axmed Maxamed (Caasha Maajoor), oo ku dhalatay degmadda Qandala, ee gobolka Bari taasi oo la sheegay in ay door ku lahayd falkan khaarijinta ah ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa'in.

Maxamuud Axmed Maxamed Sheekeeye, oo ka tirsan Ciidamadda Badda dowladda Puntland, kaasi oo "gudaha geliyay" Bastooladda dilka lagu geystay ayaa isana lagu xukumay dil toogasho.

Dable Cabdi Cali Xirsi oo isana ka tirsan Ciidamadda Badda Puntland, kaasi oo fududeeyay dhacdadan, ayaa isana waxaa lagu xukumay dil toogasho.

Maxamuud ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa hubiyaha dhimashada maareeyaha. Balse eedeymahaasi oo dhan waa uu dafiray wallow Maxkamadda ay "ku qanacday Sagaal marqaati oo la horgeeyay".

Sidda ay baahisay maxkamadda, magacyadda shaqsiyaadka gacanta lagu hayo ee kiiskan loo xukumay ayaa waxay kala yihiin;

Mahad Xasan Xuseen, qaabilaha dilaaga – Dil toogasho

Maxamuud Axmed Maxamed Sheekeeye, gudbiyaha bastooladda – Dil toogasho

Dable Cabdi Cali Xirsi, fududeeye - Dil toogasho

Caasha Axmed Maxamed, ka qeyb-qaate - Xabsi daa'in

Cabdiraxmaan Maxamed Saalax, ka qeyb-qaate 20-sano oo xarig ah

C/risaaq Axmed Maxamed, ka qeyb-qaate – 20-sano oo xarig ah

Xubnaha dilka ku lugta lahaa balse aanan ku jirin gacanta hay’addaha ammaanka dowladda Puntland oo gaaraya todoba kuwaasi gebigooda dil toogasho lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa;

Saciid Maxamed Aadan Cali

Cabdi Yarre

Bashiir Cadhaa

Daa’uud

Cabdullaahi Axmed

Liibaan Ibraahim Cabdi

Sakariye

"Raggan maqanaha ah, goortii la qabto ayaa lagu fulinayaa xukunka dilka toogashadda ah," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xeer-beegtada, kaasi oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Ugu dambeyntii, dhamaan raggan ayaa waxay haystaan muddo bil ah, oo ay facraan uga qaadan karaan xukunadda ku dhacay, sidda ay shaacisay Maxkamadda Ciidamadda ee dowladda Puntland.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM