Mareeye cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha madaarka Diyaaradaha xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

DIGREETADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyay:

1. Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

2. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo garoomada Puntland ay si rasmi ah uga bilowdeen duulimaadyo joogto ah ayna ku imaanayaa diyaaradaha caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM