Mareykanka oo duqeyn culus Al-Shabaab kula beegsaday gobolka Bari

Image

GAROWE, Puntland - Diyaaro dagaal oo la tilmaamay in ay yihiin kuwa Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay duqeyn ka geysteen qayb kamid ah buuraleyda Golis, gobolka Bari ee Puntland.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya oo shaacisay in weerarka cirka la fuliyey Sabtidii ayaa waxay xustay in lagu khaarijiyey hal dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Warbixinta ma aysan soo bandhigin magaca ruuxaasi la beegsaday.

Unug ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ku dhuumaaleysta qayb kamid ah buuraleysa Golis oo dhaca koonfurta magaaladda dekadda leh ee Boosaaso.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo inta badan dhacdooyinka Soomaaliya fahfaahin ka bixiya illaa iyo haatan ma uusan ka hadlin duqeyntan la sheegay in ay qaadeen.

AFRICOM ayaa dusha kala socota howlgalada ciidamada Mareykanka ee mandiqada. Wasaaradda Amniga Puntland dhankeeda wali kama aysan fal-celinta howlgalkan.

Ururada Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ayaa ku sugan qaybo kamid ah gobolka Bari gaar ahaan degaanada buuraleyda ah, halkaasi oo gacan ku hayntooda ay ku didiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM