Mareykanka oo duqeyn ka fuliyey Puntland iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

GAROWE, Puntland - Milatariga Mareykanka ayaa fahfaahin ka bixiyey duqeyn uu ka fuliyey buuraleyda Golis ee gobolka Bari ee hoos-yimaadda dowladda Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Washington ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarka oo la qaaday Arbacadii, 22-ka May, lagu khaarijiyey laba kamid ahaa Daacish.

AFRICOM ayaa meesha ka saaratay in howlgalkaan ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, wallow mararka qaarkood ay dhacdooyinka noocaasi ah lasoo wariyo.

Waa duqeyntii Shanaad oo Mareykanka uu la beegsado Daacishta Soomaaliya tan iyo bishii April xili mid kamida weeraradaasi lagu dilay hogaamiye ku xigeenka maleyshiyaadkaasi, Cabdikariin Dhoqob.

"Duqeynta waxay carqaladeyneysaa dhaqaaq xorriyadeed oo ay sameeyan argagixisada iyo in ay isugu kala gudbaan hogaamiyeyaasha shabakadda," ayaa lagu yiri bayaanka.

Heidi K. Berg, agaasimaha sirdoonka AFRICOM, oo wacad ku maray in ay sii wadayaan beegsiga dagaalameyaasha Daacish ayaa tibaaxay in ay sahaleyso in xididaha loo siibo horjoogeyaasha.

"Dedaalkeena waxaan u mideyn doonaa si aan u ciribtirno hogaamiyeyaasha, kuwaasi oo mas'uul ka ah falalka," ayuu hadalkiisa ku daray, sida ku cad bayaanka.

Daacish oo degaanada Puntland ku xoogeysatay mudadii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas ayaa waxaa kaga sugan gobolka Bari in ka badan 200 dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM