Mareykanka oo fahfaahiyey duqeyn uu Daacish kula beegsaday Bari

Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyey in diyaaradihiisa ay qaadeen duqeyn Jimcadii ka dhacday gobolka Bari.

Weerarka cirka ah oo ahaa laba howlgal ayaa ka kala dhacay tuulooyinka Il & Careemo iyo Siid oo ku teedsan buuraleyda Goolis ee gobolka Bari, dowlada Puntland.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u shegeeen illo wareedyo dhanka amaanka, waxaa duqeymahaasi lala beegsaday maleyshiyo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish.

Balse taliska AFRICOM oo xaqiijiyay afar gantaal oo lala dhacay dagaalamayaasha Daacishta Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu ka dilay saddex xubnood

"Fahfaahinta duqeymaha waan sii wadi doontaa inta ay yihiin kuwa muhiim ah," ayaa laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Bayaanka oo nuqul kamida uu soo gaarey GO ayaa lagu bidhaamiyay in illaa iyo haatan uusan Mareykanku hubin hadii ay jiraan waxyeelo shacab.

Waa howlgalkii labaad oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya oo uu Mareykanka ka fuliyo degaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, kaliya bishaan April.

Horaantii bishaan April gaar ahaan 14-ka ayay ahayd markii tuulada Xiriiro uu ku dilay hogaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya, Cabdixakiin Dhoqob.

Goobta ay shalay ka dhacday labadaan howlgal ayaa waxaa dhowr jeer ku diriray Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo isku haya maamulida tuulooyin halkaasi ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM