Marwada madaxweyne Deni oo yabooh siisay haweenka Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo ay weheliso Marwada Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Luul Yuusuf Xasan, ayaa Casho sharaf u sameysay Haweenka Puntland.

Kulanka Casho Sharafta ah waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Haweenka ee Dowladda Puntland Aamino Cismaan Xaaji, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Puntland ah iyo qeybaha kala duwan ee Haweenka Puntland.

Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo khudbad kooban ka jeedisay kulanka ayaa dib u xasuusisay Haweenka doorkii ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Puntland iyo sida ay lafdhabar Haweenku ugu yihiin Bulsho kasta.

Marwo Ijaabo ayaa waxay Haweenka uga mahadcelisay doorkii ay ka qaateen todobaadka Puntland iyo xuskii 1-da August.

Marwada Madaxweynaha ayaa Haweenka Puntland u sheegtay inay kala shaqeynayso wax ka qabashada tacadiyada haweenku la kulmaan.

Ugu Danbeyn, Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf ayaa soo dhoweysay Shirkii Haweenka Puntland ee dhawaan ka qabsoomay Garoowe iyo qodobadii kasoo baxay, Marwo Ijaabo ayaa bogaadisay dadaalka Haweenka ee wanaajinta iyo horumarinta Puntland.

Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM