Marxuum Xasan Abshir Faarax oo Aas Qaran loogu sameeyay Garowe

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Xasan Abshir Faarax, ayaa maanta Aas heer Qaran ah waxaa loogu sameeyay magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Aaska.

Waxaa goobjoog ahaa Ra'iisul Wasaaraha DFS, Xasan Cali Khayre, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, isimo, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa.

Marxuumka oo meydkiisa laga keenay dalka Turkiga halkaasoo uu ku geeriyooday kadib xanuun muddo laga daaweynaayey ayaa la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo caasimadda Puntland.

Dowladda Puntland oo guddi gaar ah u saartay duugta marxuumka ayaa calanka hoos u dhigtay saddex maalmood si loogu baroor-diiqo marxuumka.

Xasan Abshir Faarax oo ku dhintay da'da 75-sano jir ayaa soo noqdey duqa Muqdisho, waqtigii dowladii kacaanka, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, xildhibaan baarlamaan iyora'iisul wasaaraha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM