Gudoomiyihii hore ee degmada Qandala oo lagu khaarijiyey Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Gudoomiyihii hore ee degmada Qandala ayaa lagu khaarijiyey Boosaaso, xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Taliska Booliska xarunta gobolka Bari ayaa khadka telefoonka ugu sheegay mareega Garowe Online in falkaas ay ka dambeeyeen dabley ku hubeysan bastoolada.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jaamac Maxamed Quurshe ayaa lagu beegsaday nawaaxiga Kaalinta Shidaalka ee Allaadii, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

"Ciidamada amniga waxay ku raadjoogaan gacan ku dhiigleyaasha," ayuu bileyska ku yiri warbixin kooban oo uu siiyey mareega GO kadib xiriiro uu la sameeyay.

Wallow dhacdooyinkaan oo kale looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish, illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda toogashadaas.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo maalmihii lasoo dhaafay ay laamaha ammaanka kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada lagu sugayo xasiloonida magaalada.

Booliska iyo cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa xalay fashiliyey qaraxyo lagu diyaariyey guri kaasoo ay ku duuleen markii ay macluumaadkiisa heleen.

Waa kuma Jaamac Maxamed Quurshe?

Dadka degaanka oo siyaabo kala duwan ula hadlay warsidaha GO ayaa intaas ku daray in Quurshe la bartilmaameedsaday xili uu kasoo baxay hotel.

Laamaha ammaanka oo howlgalo sameeyay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dhowr shaqsiyaad oo lala xiriirinayo dilka mas'uulkaas.

Quurshe ayaa bishii Janaayo, 2012-kii loo doortay gudoomiyaha maamulka Qandala. Sanadkaas waxay ahayd markii ugu horeysay oo gole degaan loo sameeyay degmadaas.

Bishii May, 2018 ayuu xafiiska baneeyay markii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu kala diray golaha degaanka. Yuusuf Maxamed Ciise [Qixiye] ayaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay xilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka dhacdey Bari ku dilay xubno Daacish ah

Howlgalkan naayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    01-06-2024

  • 03:01AM

Xisbiyada Puntland oo is-faham ka gaarey doorashada saddexda degmo

Doorashooyinkan ayaa waxa ay ka qabsoomayaan degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan.

  • Puntland

    29-05-2024

  • 02:52AM