Mas'uuliyiinta DF oo laga mamnuucay Puntland oo xilliga Doorashada

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa soo saartey war qoraal ah oo ay ku shacisay inay degaanadeeda ay ka mamnuucaday inay yimaadaan Mas'uuliyiinta iyo madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Go’aanka oo ka kooban 7 qodob islamarkaana ka kasoo baxay Wasaaradda amniga Puntland ayaaa lagu sheegay in cid aan ahayn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland ee Garowe mudada doorashadu socoto.

Inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay inay soo galaan shaqalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirada, Agaasimayaasha, Saraakiisha Ciidamada iyo howl-wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

Inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa

In diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo degin garoomada Puntland.

Si loo sugo amaanka xiliga doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

Inaan wax agab ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

Inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal uusan ogeyn.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii dhawaan ka dhacday Koonfur Galbeed, oo kusoo baxay musharax ay wadatey, Cabdicasiis Lafta Gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM