Maxaa kasoo baxay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug?

Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo gabagabeeyay qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa sheegtay "in kulanka kusoo dhammaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha"

"Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac, iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo," ayaa ayay raacisay.

Deni oo difaacay shirka labada maamul ayaa xusay in uu yahay mid "ku haboon maadaama ay deris yihiin" isagoo hoosta ka xariiqay in dastuurka KMG ah uu xeerinayo in maamulada iskaashi yeelan karaan.

Is-araggaan qabsoomay waxaa kasii horeeyay shirar kale oo gogol xaar ahaan, waxaana soo idlaaday wejiga koowaad, iyaddoo ay xigi doonan kulamo kale oo madaxda labada dhinac dhexmari doona.

Dhankiisa, Qoor-qoor oo shirka kadib u waramay warbaahinta ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiraan ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna xusay in uu ku faraxsan yahay natiijada kulanka.

Hogaamiyeyaasha ayaa rajeeyay in Gaalkacyo iyo guud ahaan Soomaaliya laga ciribtiri doono kooxaha argagixisada oo ay sheegeen in ay caqabad ku yihiin horumarka iyo dowladnimadda Soomaaliya.

Puntland iyo Galmudug ayaa ka sokow in ay deris yihiin waxay isla maamulaan Gaalkacyo oo waqooyi iyo koonfur ay maamul u kala joogaan, kuwaasoo kawada shaqeeya xasiloonida, nabada iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM