Maxaa kusoo kordhay kiiska Caaisho Ilyaas? [Amar kasoo baxay Maxkamad]

Image

GAALKACYO, Puntland - Ciidamada amaanka dowladda Puntland ayaa dhowr qof usoo qabtey Kiiska Dilka iyo Kufsiga ee loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan, oo shalay meydkeeda laga helay nawaxiga gurigeeda ee waqooyiga Gaalkcyo.

Maxkamadda Darajadda kowaad ee Gaalkacyo ayaa soo saartey amar lagu soo xirayo wadihii gaariga meydka Caaisho lagu soo qaadey, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Yaasir Aadan Cali.

Howlgal ayaa ka socda Gaalkacyo, iyadoo ciidamada ay raadinayaan raggii kufsaday Caaisho.

Madaxweyne Deni ayaa laamaha amniga faray inay si deg deg cadaladda u horkeenaan kuwii ku kacay falka foosh xun, ee lagu kusaday, lagun dilay Caaisho Ilyaas Aadan, oo ahayd gabar 12 jir ah, oo la wayay Axadii galab, xilli hooyadeed u dirtay suuqa.

Dhaqaatiir ka socota Sheybaarka DNA-da magaaladda Garowe ayaa gaarey Gaalkacyo, iyadoo ka qeyb qaadanaya howlaha baaritaanka Kufsiga Gabadha, oo meydkeeda yaalla Isbitaalka.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo dhacdadan argagaxa leh ayaa ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Garowe, iyadoo dadweynihii ka qeyb-qaatey ku baaqeen in Caaisho ay heshay cadaalad, sharcigana la marsiiyo kuwii inta kusaday, kadibna nafta dhaafiyay.

Baraha Bulshada, sida Facebook iyo Twitter-ka ayaa aad loog falceliyay kiiskan, oo aan shacabka Soomaaliyeed uga dhiidhiyeen, waxaana ay ku tilmaameen falkan mid aad u xun, oo aan la aqbali karin.

Magaaladda Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ka dhacay falal kufsi oo dhowr ah sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo aan ilaa hadda muuqan tallaabooyin loo qaadey in laga hortago arrintan soo noq-noqtay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM