Maxay tahay sababta loo codsaday in la laalo sharciga doorashooyinka?

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in ay muhiim tahay in ay waqtigeeda ku dhacdo doorashadda 2020-21 "lagana fogaado wax kasta oo keeni kara muddo kororsi".

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa mowqifkaas ka dhawaajiyey xilli uu furay kalfadhiga 46aad ee Golaha Wakiiladda maamulkaan xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Deni, Puntland ayaa codsaneysa in la laalo sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey "maadaama ay ku jiraan qodobo ka hor-imaanaya dastuurka qayadda ah".

Qodobaddaas waxaa kamid ah in uu sharciyeynayo nidaamka qaybsiga beelaha ee 4.5, kaas oo heshiis dhexmaray Puntland iyo dowladda Soomaaliya xeerinayo in uusan noqon karin mid sharci ah.

Heshiiskaas waxaa damaanad-qaad ka ahayd Beesha Caalamka oo wakiilo ka socday ay goobjoog ka ahaayeen madasha lagu saxiixay oo ahayd magaalada caasimada ah Puntland ee Garowe.

Madaxda haatan fadhisa Villa Soomaaliya ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in ay gedaal ka riixayaan xeerkaas oo ay goor sii horeysay gaashaanka ku dhufteen dowlad goboleedyadda waddanka.

Deni ayaa ku eedeeyay hogaanka dalka in ay isku koobayaan taladda waddanka iyo go'aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah sidda doorashooyinka oo uu ku baaqay in shir wadatashi laga yeesho.

Xilli uu sheegay in guddiga doorashooyinka waajibaadkoodu yahay qabashada doorasho lagu heshiiyey bedelkeeda in ay ka hadlaan, Deni ayaa shir isugu yeeray dhamaan saamileyda siyaasadda.

Beesha Caalamka ayuu ku waaniyey in ay ka shaqeeyaan isla markaana ay taageeraan doorasho xilligeeda ku dhacda "iyaddoo la tixgelinayo in dowladda federaalka aysan qaban shaqooyinka aas-aasiga u ahaa doorashooyinka qof iyo cod" oo qorshuhu ahaa in ay dhacaan.

Howlahaas ayaa waxaa kamid ah; sugitaanka ammaanka, Al-Shabaab oo guud ahaan waddanka laga xoreeyo, dhameystirka shuruucda doorashadda iyo dastuurka si lamid ah diyaarinta miisaaniyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM