Maxaa looga hadlay shirka guddiga amniga ee gobolka Mudug?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha dowlada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo, ayaa wuxuu maanta Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Gobolka Mudug.

Kulanka oo looga hadlay Amniga Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska ee Dowladda Puntland, La taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhabaano qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ee Gaalkacyo ku sugan.

Dhanka kale, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo Dhalinyarada Gobolka Mudug.

Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda dhallinyarada ee Gobolka, caqabadaha, fursadaha iyo dhismaha garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo Cawaale Stadium.

Deni ayaa ka jawaabay codsiga dhallinyarada ee ku saabsan dhismaha garoonka Cawaale stadium, wuxuuna balan qaaday dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium.

Da'yarta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Deni sida Dowladda iyo hoggaaminta dalka uu door muhim ah uga siiyey, sidoo kale waxay dhallinyaradu soo dhoweeyeen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo iyaga u ah fursad wanaagsan.

Geesta kale, Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane, ayaa isla xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.

Waxgaradka degmada Towfiiq ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee deegaanka, sida dhinacyada Amniga, horumarka iyo Siyaasadda.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kula dardaarmay Waxgaradka iyo Odeyaasha in ay ka shaqeynta midnimada, nabadgelyada iyo horumarka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM