Maxaa sabab u ah shaqo joojinta gaadiidleyda xamuulka Garowe?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Mulkiilayaasha qaar kamid ah gaadiidka xamuulka Garowe gaar ahaan kuwa loo yaqaano isku rogo [cara gediska] ayaa maanta oo Talaado ah waxa ku dhawaaqeen shaqo joojin iskood ah.

Muruq-maalatadaan ayaa ka cabaneysa lacago "xad dhaaf ah oo aysan qaadi karin" taasi oo ay sheegeen in uu kusoo rogay maamulka dowlada Hoose ee caasimada dowladda Puntland.

Sidda ay sheegeen gaadiidleyda, waxaa mid walba oo kamida baabuurta xamuulka ah laga doonayaan 10 dollar oo ay xuseen in si joogto ah looga qaado iyo 2 dollar oo ah rarka loorka ay qaadaayaan.

Cusmaan, oo kamid ah gaadiidleyda, oo maanta dibad-bax dhigay, ayaa ka codsaday mas'uuliyiinta in dib u eegis lagu sameeyo lacagtaas, isla markaana laga yareeyo ama gabi ahaanba laga dhaafo.

"Lacagahaasi ma ahan kuwa horey noogala qaadi jiray, waa kuwa cusub oo nagula bilaabay ... canshuurta waanu bixinaa … tan dowlada hoosena waanu bixinaa waana ogolnahay," ayuu raaciyay.

Amarada kale ee gaadiidleydaan lagu soo rogay ayna ka tabanayaa waxaa kamid ah in aysan ka dhex-shaqeyn karin gudaha magaalada gaar ahaan marka ay timaado soo qaadista kaawada.

"Cabashadaasi dhowr jeer waanu u gudbinay dowlada hoose waxba kama aysan qaban," ayuu Cusmaan hadalkiisa ku daray, isaga oo ku tartarsiiyay mas'uuliyiinta in si deg deg ah loogu soo jawaabo.

Dowladda Hoose ee Garowe ayaa nan wali ka jawaabin cabashada gaadiidleyda inkasta oo mar sii horeysay madax ka tirsan ay ku adkeysteen in ay tani qayb ka tahay kob-cinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM