Maxaa sabab u ah shaqo joojinta gaadiidleyda xamuulka Garowe?

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Mulkiilayaasha qaar kamid ah gaadiidka xamuulka Garowe gaar ahaan kuwa loo yaqaano isku rogo [cara gediska] ayaa maanta oo Talaado ah waxa ku dhawaaqeen shaqo joojin iskood ah.

Muruq-maalatadaan ayaa ka cabaneysa lacago "xad dhaaf ah oo aysan qaadi karin" taasi oo ay sheegeen in uu kusoo rogay maamulka dowlada Hoose ee caasimada dowladda Puntland.

Sidda ay sheegeen gaadiidleyda, waxaa mid walba oo kamida baabuurta xamuulka ah laga doonayaan 10 dollar oo ay xuseen in si joogto ah looga qaado iyo 2 dollar oo ah rarka loorka ay qaadaayaan.

Cusmaan, oo kamid ah gaadiidleyda, oo maanta dibad-bax dhigay, ayaa ka codsaday mas'uuliyiinta in dib u eegis lagu sameeyo lacagtaas, isla markaana laga yareeyo ama gabi ahaanba laga dhaafo.

"Lacagahaasi ma ahan kuwa horey noogala qaadi jiray, waa kuwa cusub oo nagula bilaabay ... canshuurta waanu bixinaa … tan dowlada hoosena waanu bixinaa waana ogolnahay," ayuu raaciyay.

Amarada kale ee gaadiidleydaan lagu soo rogay ayna ka tabanayaa waxaa kamid ah in aysan ka dhex-shaqeyn karin gudaha magaalada gaar ahaan marka ay timaado soo qaadista kaawada.

"Cabashadaasi dhowr jeer waanu u gudbinay dowlada hoose waxba kama aysan qaban," ayuu Cusmaan hadalkiisa ku daray, isaga oo ku tartarsiiyay mas'uuliyiinta in si deg deg ah loogu soo jawaabo.

Dowladda Hoose ee Garowe ayaa nan wali ka jawaabin cabashada gaadiidleyda inkasta oo mar sii horeysay madax ka tirsan ay ku adkeysteen in ay tani qayb ka tahay kob-cinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM