Maxay kawada hadleen Deni iyo Guddiga Amniga gobolka Mudug?

Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Kulanka oo ay kasoo qayb-galeen qaarkamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa waxaa ka warbixiyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir

“Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu shir la qaatay madaxda gobolka Mudug saraakiisha iyo maamulkaba waxaa looga wadahadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa amniga guud ee gobolka, si wanaagsanna looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo horumarka, kulankuna waxaa uu ku soo dhammaaday Guul," ayuu yiri Dirir.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhabaynaya balanqaadkii dowladda ee ahaa in ahmiyadda koowaad, labaad iyo sadexaadba lasiiyo arrimaha Amniga dalka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo waxa uu kulamo noocanoo kale ah la qaadandoona qaybaha kale ee bulshada.

Puntland State House

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM