Maxay kawada hadleen Deni iyo Guddiga Amniga gobolka Mudug?

Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Kulanka oo ay kasoo qayb-galeen qaarkamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa waxaa ka warbixiyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir

“Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu shir la qaatay madaxda gobolka Mudug saraakiisha iyo maamulkaba waxaa looga wadahadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa amniga guud ee gobolka, si wanaagsanna looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo horumarka, kulankuna waxaa uu ku soo dhammaaday Guul," ayuu yiri Dirir.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhabaynaya balanqaadkii dowladda ee ahaa in ahmiyadda koowaad, labaad iyo sadexaadba lasiiyo arrimaha Amniga dalka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo waxa uu kulamo noocanoo kale ah la qaadandoona qaybaha kale ee bulshada.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM