Puntland iyo Finland oo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya, Erik Lundberg iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda magaaladda Garowe ayaa waxaa qayb ka ahaa mas'uuliyiin ay quseyso qodobadda ay kawada hadleen.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Deni, dhinacyadda ayaa isla soo qaadey xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Sidoo kale, waxay kawada xaajoodeen mashaariicda horumarineed ee Finland ka taageerto Puntland, sida arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhallinyarada.

Isagoo kulanka kadib u waramaya warbaahinta, Deni oo sheegay in Finland ay taariikh u leedahay caawinta Soomaaliya ayaa dajiraha kaga mahadceliyey socdaalka.

Erik Lundberg ayaa intii uu ku sugnaa magaalo madaxda dowladda Puntland wuxuu ka qeybgalay furitaanka shirka qurbe-joogta Soomaaliyeed ee Finland.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, diblumaasiga ayaa balanqaaday in ay joogteyn doonan ka qeyb-qaadashadda soo kabashadda dowladnimadda Soomaaliya.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM