Maxkamadda Sare ee Puntland oo bilaabeya dhageysiga kiiska Caasha

Image

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Sarre ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah bilaabeysa dhageysiga gar-maqalka gal-dacwadeedka kufsiga iyo dilka e Caasha Ilyaasi Aadan.

Saddexda qof ee xukamanaha ka ah kiiskan ayaa mar kale maxkamad kasoo muuqan doonta maanta, iyadda oo kulanka uu yahay mid u furan ka qeybgalka dadweynaha.

Shaqsiyaadkan oo tiradoodu gaareyso saddex; Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa ku xukuman dil toogasho.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukunka garka u gelisay 12-kii May, kadib racfaan ay qaateen, waxaa 30-kii June ku ayiday Maxkamada Racfaanka isla gobolka.

Mar kale ayey racfaan u qaateen Maxkamadda Sarre ee Puntland, taasi oo dhageysiga dhinacyadda ay doodu u dhaxeyso kadib soo saari doonta go'aanka ugu dambeeya.

Dacwad-oogeyaasha ayaa doodu waxay tahay in ay hayaan caddeymo ay kamid yihiin neecaanada laga qaadey kuwaasi oo muujinaya in ay la-falgaleen Inantaasi 12-ka jirka ahayd.

Qareenadda oo dagaalkii ugu dambeeyay ee dhinaca sharciga gelaya ayaa waxay ku doodayaan in baaritaanka Sheybaarka Puntland uu yahay "mid mala abaal ah oo aanan waxba ka jirin".

Xubnaha difaacaya xukumaneyaasha ayaa waxay sidoo kale sheegayaa in xeer-ilaalinta "aysan ahayn" caddeymo cad; sida markhaatiyeyaa, wallow ay iska fogeyeen dacwad-oogeyaasha.

Fadhiga Maxkamadda Sarre ee maanta ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo dhageysi, isla markaana lagu muddeeyo maalinta kale ee xigta ama goorta ay go'aan kasoo saareyso.

Kiiska Caasha oo xukuumadda ay balanqaadey in uu cadaalad heli doono ayaa bishii Fabraayo kasoo bilowday magaaladda Gaalkacyo, waxaana aad loo ammaanay qaabka ay illaa iyo hada wax u socdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM