Maxkamadda Sarre ee Puntland oo ayidday xukunkii kiiska Caasha Ilyaas

Image

GAROWE, Puntland - Maxkamada Sare ee Puntland ayaa Khamiista maanta ah ayidday dilka toogashadda ee lagu xukumay saddexda rag ee loosoo qabtay kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaasi Aadan.

Shaqsiyaadka oo laba kamid ah ay walaalo yihiin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa; Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii raggan ay laba jeer Rafcaan ka qaateen xukunkan oo ay garka u gelisay Maxkamada Darajada Koowaad ee Nugaal, kuna raacday tan Rafcaanka ee gobolka.

Cabdifataax, oo 24-sano jir ah, ayaa fadhigii koowaad ee Maxkamadda Sarre wuxuu qirtay in uu faroxumeeyay Inanta 12-ka jir ahayd, balse wuxuu beeniyay in door ku lahaa khaarjinteeda.

Cabdishakuur, 48-sano jir, kaasoo kufsiga, afduubka iyo dilka lagu soo oogay ayaa iska fogeeyay, wuxuuna ku adkeystay in uusan waxba ka ogayn, wallow dheecaanol laga qaadey ay muujiyaan in uu lafalgalay.

Marxuumad Caasha oo ku guda jirtay heerka waxbarashada heerka koowaad gaar ahaan dugsiga dhexe ayaa falkan foosha xun waxaa loogu geystay Gaalkacyo bishii Febraayo ee sanadkan 2019.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo balanqaadey in dhibanaha uu cadaalad heli doono ayaa wacad ku martay in la fuli doono xukun kasta oo ay go'aamiyaan Hay'addaha Garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM