Maxkamadeynta dad loo xiray dilka gudoomiyihii Nugaal oo bilaabaneysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadeynta eedeysaneyaal loo xiray is-miidaamintii bishii Maaj lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal ayaa dhowaan bilaabaneysa, sidda uu sheegay madaxweynaha dowlada Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ka dhawaajiyey in la tuhunsaneyaasha ay wajihi doonan cadaaladda ayaa balanqaadey in xukunka lagu fulin doono dhamaan cid kasta oo uu ku cadaado in ay ka dambeysa falkaas.

Hadalkaan ayuu ka dhawaajiyey Deni xilli uu xalay ka hadlay qaraxii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur-yarre iyo ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan dad rayid ahaa.

Marxuumka waxaa la bartilmaameedsaday xilli uu kasoo baxayay xarunta gobolka. Gaariga NOAH ah ayaa la xusay in uu weerarku fuliyey.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegatay labadaas dhacdo oo yimid xilli dowladdu waddo hirgelinta qorshe amniga lagu sugayo.

"Waan la garanay Istaraatiijiyadda ah mas-madaxaa laga dilaa, waana ay heli doonan waajibkooda," ayuu raaciyey, isagoo ugu goodiyey xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida in ay la kulmi doonan cawaaqibkooda.

Cabdisalaan Xasan Xirsi [Gu'jir] iyo sarkaal kale oo booliska ka tirsanaa ayaa ku naf-waayey qarax is-miidaamin oo lagula eegtay bartamaha magaaladda Garowe xilli uu kasoo baxay saldhiga ciidanka bileyska.

Inkasta oo uusan muddeyn waqtiga ay bilaabaneyso maxkamadeynta, Deni ayaa ku booriyey dadweynaha in ay kala shaqeeyaan dowladda dedaalada socda ee looga hortagayo qorsheyaasha lagu wiiqayo ammaankooda.

Puntland ayaa kamid ah degaanada Soomaalida ee ugu nabad-gelyadda wanaagsan isla markaana shacabka ay kaalin wanaagsan ku leeyihiin xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha shar-wadayaasha lagu qeexay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM