Meydka Gabar 12 jir ah oo la raadinayay oo laga helay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Dil naxdin leh ayaa ka dhacay magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan qeybta ah maamusho Puntland, kaasi oo loo geystay Gabar yar, oo 12 sano jir ahayd.

Meydka Caasho Ilyes Aadan, oo la weysanaa tan iyo shalay, islamarkaana waalidiinteeda baadi-goobayeen ayaa saaka lasoo dhigay banaanka Gurigeeda, oo ku yaalla waqooyiga magaaladda Gaalkacyo.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug, qeybta Puntland, Axmed Cismaan Cali ayaa u sheegay BBC-da in Gabadha loo geystay Kufsi iyo Jirdil kahor inta aan la dilin.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay dhowr qof u qabteen dilka Gabadha, kuwa kalena ay ku raadjoogaan.

Meydka Caasho ayaa la dhigay Isbitaal, iyadoo ay dhaqaatiirtu baarayaan calaamado jirdil ah, oo ka muuqday jirkeeda.

Sikastaba, laamaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan kiiskan ku aadan.

Caasho ayaan dib ugu laaban Gurigeeda markii ay kasoo laabatey Iskuulka maalintii shalay, waxaana la sheegay in koox aan la garaneynin afduubeen, kuwaaso kufsi iyo dil kula kacay. 

Dhacdadan argagaxa leh, ayaa si aad ah looga falceliyay baraha bulshada, waxaana lagu tilmaamay mid ka baxsan Diinta Islaamka, Bini'aadanimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM