Midowga Yurub oo bogaadiyay qorshooyinka Isbedel ee uu wado Deni

Image

MUQDISHO, Somalia - Midowga Yurub ayaa aad u bogaadiyay qorshooyinka Isbedel ee uu wado Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore lagu caleema-saarey magaaladda Garowe.

"Midowaga Yurub waxuu u hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland, una rajeynayaa inuu ku guuleysto xilka cusub ee loo doortay. Midowga Yurub oo saaxiibka soo jireen ah u ah Puntland waxaa ka go'an inuu la shaqeeyo Deni," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Yurub.

Dalalka Midowga Yurub waxa kaloo ay sheegeen in ajandooyinka Madaxwene Deni ee ku qotoma dhismaha dowlad leh tiirar adag, oo lagula dagaalayamo musuq-maasuqa, argagaxisadda sidoo kalena shaqooyinka lagu abuurayo ay fursad u tahay da'yarta.

Isagoo ka hadlayay xafladiisa caleema saarka, Deni, oo 53 sano jir, kaasi oo bartay dhaqaalaha, wuxuu balanqaaday inuu joojin doono hay’addaha dowlada, kob-cicinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo argagixisada.

Madaxwayne Deni ayaa si lamid ah wuxuu carabka ku adkeeay inuu fursado shaqo u abuuri doono dhalinyarada, isaga oo ku nuux-nuux saday inuu maamulkiisa uu da'yarta ka qaybgelin doono siyaasada.

Midowga Yurub ayaa ka fuliya degaanada Puntland mashaariicyo ubadan dhisida wadooyin ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaasi oo maamulkii Cabdiwali Gaas qaarkood uu musuq-maasuqay, taasoo keentay inay joogsadaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM