Midowga Yurub oo caddeeyay mowqifkiisa safarka Deni ee Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu taageersan yahay socdaalka la filayo in uu madaxweynaha Puntland ku tago Muqdisho iyo magaala madaxda maamul goboleedyada waddanka.

Nicolas Berlanga, ergayga EU-da u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa mowqifkaas ku shaaciyey bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Danjiraha ayaa hadalkaas ka dhawaajiyey xili uu ka falceliyey qoraalkii Qaramada Midoobay kasoo saartey booqashada aan wali la muddeyn.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo bogaadisay talaabada Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegtey in ay isha ku hayn doono natiijada kasoo baxda wadahadalada aan la shaacin goorta ay dhacayaan.

"Wafdiga Midowga Yurub wuxuu taageersan yahay war-saxaafadeedka Qaramada Midoobay," ayuu diblumaasiga u dhashay Spain ee Berlanga ku bilaabay.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan si adag u aaminsanahay in marka la isku daro mabaadi'da is-maqalka iyo isku tanaasul ay tahay qaabka ugu fiican ee looga gudbi karo ismaandhaafka siyaasadeed".

Deni oo meesha ka saarey in safarkiisa Muqdisho uu yahay wadahadalo uu la gelayo Villa Soomaaliya ayaa xusay in uu daaran yahay gogashii ay Puntland u fidisay madaxda dowlada iyo maamulada.

Martigelinta wadaxaajoodyaddaas oo lagu lafa-guri doono mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya ayuu ku dhawaaqay kadib gabagabada Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

Taageerada saaxiibada caalamka u muujinayeen socdaalka qorshuhu yahay in uu Deni ku tago Muqdisho iyo xarumaha maamulada ayaa kusoo aadeysa xili Dowlada federaalka Soomaaliya ay dhankeeda soo dhaweysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM