Midowga Yurub oo xoojinaya xiriirka ciidamada badda Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Howlgalka Midowga Yurub ee ka hortaga burcad badeeda ayaa shaaciyay in ay sare u qaadayaan taageerada ay siiyaan ciidamada badda Puntland.

Ricardo Hernandez, taliyaha howlgalkaasi, kaasi oo dhowaan booqday Boosaaso ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalada dowlada ka dhanka ah shufta-badeeda.

Hernandez ayaa intii ku sugnaa caasimada gobolka Bari waxa uu la kulmay mas'uuliyiin uu kamid yahay wasiirkada Dekadaha iyo Badda Puntland.

Dhinacyadda oo is-bartay maadaama uu jagada dhowaan yimid Hernandez ayaa kawada hadlay sidii ay u adkeynayaan wadashaqeynta ka dhaxeysay.

"Waxa aan kusoo arkay Boosaaso waa in ay ka go’an tahay mas'uuliyiinta xoojinta amniga badda," ayuu yiri Hernandez.

Ciidamada Badda Puntland oo howlgalo kala duwan ka sameeya dhamaan xeebaha ayaa ka hortaga burcad-badeedka iyo dahriibka.

"Waxaan sii wadayaan is-dhexgalka dhow ee madaxda iyo ciidamada gobolka si aan xaqiijino in ganacsiga badda uu socdo," ayuu raaciyay.

Midowga Yurub oo kamid ah hay’addaha Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dowlad dhisiada iyo dhaqaalaha ayaa siiya ciidamada Puntland taageero qalab iyo mid tababar.

Ciidamada Badda Puntland ayaa door wayn ka ciyaara howlgalka ka hortagga burcad-badeeda kaasoo bilowday wixii ka dambeeyay 2010-kii.

Intii ay dhisnaayeen ciidamada badda Puntland waxay ku guuleysteen in ay soo qabtaan doonyo ku rarnaa hub sharci darro ah, kuwaasi oo qaarkood kusii jeeday kooxaha argagixisada ah ee amniga dalka khatarta ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM