Mooshinka afhayeenka baarlamaanka Puntland oo cod loo qaadayo

Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wakiiladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah kulan xasaasi ah ku leh magaaladda caasimadda ah ee Garowe. Fadhiga waxaa xaadir ku ah 53 Xildhibaan.

Ajendaha shirka ayaa la sheegayaa in uu yahay ka doodista iyo cod u qaadista mooshin xilka ka xayuubin ah oo laga keenay afhayeenka golaha.

Soo jeedinta ka dhanka ah Cabdixakiim Dhooba Daareed ayaa waxaa lagu waramayaa in ay saxiixeen 44 Xildhibaan.

Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ku xigeenka koowaad ee xeer-dejinta, ayaa xaqiijiyey in uu qabtay Mooshinka, wuxuuna shaaca ka qaadey in uu horgeynayo fadhiga.

Mr Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa laga soo xigtay in hanaanka loo maray Mooshinka "uu waafaqsan Dastuurka iyo sharciga".

Sharcidejiyeyaasha ayaa loo diray fariimo, waxaana lagu wargeliyey in uu qabsoomo fadhigii caadiga ahaa ee maanta, taas oo meesha ka saarey fasax uu iclaamiyey Dhoobo.

Dhooba Daareed ayaa horey u balanqaaday in uu u hogaan-sami doono go’aan walba oo baarlamaanka kasoo baxa.

Ciidamadda ammaanka dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u maamulaya amniga xarunta baarlamaanka, markii ay habeenimadii Arbacada ka saareen maleyshiyaad daacad u ah Dhooba Daareed.

Sidda uu sheegay taliska booliska, ciidamada difaaca Puntland ayaa damacsanaa in ay indho-indheeyaan xaaladda balse xoogaga Dhooba Daareed waxay bilaabeen xabada oo sababtay dhimasho.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux – laba askari iyo ruux shacab ah – ayaa ku naf-waayey tacshiiradda "oo muddo kooban socotay".

Xaaladda magaala madaxda dowladda Puntland ayaa haatan ah mid xasiloon, waxaana ammaanka xarunta baarlamaanka oo Xildhibaanadda kusii qulqulayaan sugaya ciidamadda ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM