Musharax Maxamuud Khaliif oo si weyn loogu so dhaweeyey Boosaaso

Image
Image
BOSASO- Musharaxa  Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye) ayaa maanta oo Arbaca ah si weyn loogu soo dhaweeyey xarunta ganacsiga ee Boosaaso.

Musharaxa ayaa diyaaraddii sidey soo caga dhigatey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso 11:30am subaxnimo, waxaana uu ka so kicitimey caasimadda Puntland ee Garoowe isaga oo soo afmeeray socdaalkiisi Nugaal iyo Mudug, marka laga reebo Dangoroyo.

Dadweyahana Boosaaso ayaa isugu soo baxay banaanka  iyo gudaha garoonka diyaaradaha, waxay ku labisnaayeen dhar caynba cayn ah,  Buluuga xidit leh, akhdarka iyo caddaanku is qabsadey, waxay lulayeen sawirada musharaxa waxana ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ay ku taageerayaan musharaxa.

Soo dhaweynta waxaa ka qaybqaatey maamuka gobolka Bari iyo ciidanka amniga oo sugaayey amniga musharaxa iyo wefdigiisa iyo weliba shacabka aadka u faraha badan ee soo dhaweynta darteed isugu soo baxay.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in iyaga masuuliyad ka saaran tahay sugidda amniga sidaas darteedna ay garoonka u joogaan.

Maxamuud Khaliif Xassan oo khudbad u jeediyey boqolaal qof oo isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxaana uu si weyn uga hadley muhimadda ay leedahay Boosaaso.

"Magaalada Boosaaso waa meeshii lagu soo qaxay oo Soomaali oo dhan isugu timid markii dhibaatadu dhacdey oo ay u noqotey Hooyo dadkii oo dhan, waa lagu so baraarey, waa lagu barwaaqoobey, weli waa lagu barwaaqeysan yahay, laakiin Boosaaso ma haysato wixii ay ka mudneyd reer Puntland" ayuu yiri Musharax Jebiye.

Maxamuud Khaliif Xasan musharax Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in socdaalkiisu yahay talo iyo tabasho, in aan tabashada dhegaysano  si aan gundhig uga dhigno isbeddelka dalka ka dhacaya.

Musharax Maxamuud Khaliif ayaa ismo ku dhaw 10 Isim oo ay ka mid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax iyo qaar kale oo badan kula kulmey Aqalka Boqorka, waxaana ay musharaxa u ahayd sharaf in hal mar isimadii Puntland oo hal meel ku kulansan uu shir la qaato.

Musharax Jebiye ayaa shir alabaabadu u xiran yihiin la qaatey Isimada oo ka shaqeynaayey nabadda colaado raagey, waxaana  musharuxu si buuxda u taageeray nabad laga hirgeliyo colaada Dhumey oo uu horey dhaqaale ugu bixiyey iyo  sidii loo dhamayn lahaa oo xal looga gaari lahaa colaadii ka dhacdey Taleex shan sano kahor oo Isimadu ku mashquulsan yihiin, waxaana Musharaxu balan qaadey in uu taageero mugweyn la taagan yahay markasta.
 
XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MAXAMUUD KHALIIF
https://mkh2019.com
facebook.com/mkh2019
twitter.com/mkh2019
Xafiiska ololaha doorashada ee Musharax Jebiye

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM