Musharax Dani oo ka hadlay ciidamo qabsadey Garoonka diyaardaha Garowe [Dhageyso]

Image

GAROWE - Siyaasi Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah xubnaha u tartameysa doorashada Madaxwaynaha Puntland ee sanadka 2019 ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay ciidamo maanta Nov 3,2018 qabsadey muddo saacado ah garoonka diyaaradaha Garowe.

Gadoodka ciidamada ayuu shaaca ka qaaday Murashax inay suurtagal tahay in gadaal laga riixayo kuwaasi oo uu daboolka ka qaaday inay ka leeyihiin “dano siyaasadeed” isaga oo ugu baaqay cid kasta oo soo abaabushay  gadoodkaasi inay “ka waantowdo”.

Murashaxa ayaa qiray tabashooyinka ciidamada oo ah inaanan la siinin xuquuqdooda iyo mushaaraadkooda muddo bilooyin ah, iyaga oo ku jiray aagga Tukaraq, halkaasi oo ay ciidamada Somaliland qabsadeen bishii Janaayo ee sanadkaan.

Maamulka haatan jira ee uu hogaaminayo Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee Cabdiwali Gaas ayuu carabka ku dhuftay inuu ku guuldareystay bixinta mushaharaadka ciidamada, isaga oo xusey suurtagal-nimada in lacagihii ciidamada loo weeciyey dano shaqsiyeed.

“Horey waa loo arki jiray ciidamo gadood sameeya, oo qabsada Bankiga. Balse waa arrin ugub ah in ciidamo ay qabsadaan Madaxtooyo ama garoon diyaaradeed, waliba lagu soo aadiyo xili aan munaasab ahayn oo uu dalku joogo wakiilka Qaramada Midoobay markii ugu horeysay, taasi ayaana keentay inaan ka hadalno,” ayuu yiri Murashax Deni oo la hadlay idaacada SBC.

Murashax Deni ayaa ka digey in gadoodka ay sameynayaan ciidamada Puntland uga faa’idaystaan xaalada kala guurka ah oo ay ku jirto Puntland, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxda haatan jirta loo baahan yahay in mudada u hartay ay si degan ku dhameystaan.

“Puntland cadow fara badan bey leedahay, ma ahan in cadowgaasi fursad la siiyo. Hadii uu dalku ku jiro xaalad kala guur ah, ma ahan in dalku kala guurayo. Hadii madaxda haatan jirta ay fashilmeen waxa harsanba waa labo bilood, waana waqtigii lagu qiimayn lahaa,” ayuu Murashaxa hadalkiisa ku daray.

Geesta kale, Murashax Deni ayaa wax laga waydiiyay shirkii dhowaan ugu soo gabagaboobay madaxda maamulada xarunta Puntland ee Garowe, kaasi oo qodobo ay kasoo saareen ku sheegeen maamulada inay sameysteen Xisbi siyaasadeed, ciidamo gaar u ah iyo arrimo kale.

Siyaasi Saciid Dani ayaa carabka ku adkeeyay in hadii madaxda Puntland ee haatan jirta lagu ixtiraamayo go'aamadooda islamarkaana hadii qaladaad jiraan lagala xisaabtami doono markii doorashada la gaaro.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SICIID DANI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM