Musharax Xildhibaan oo lagu dhaawacay magaalada Garowe

Image
Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay uu jiray is-qabqabsi ku saabsan kursiga #HOP192

GAROWE, Puntland - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacantay rasaas maanta laga maqlay caasimada dowladda Puntland ee Garowe, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dadka ay waxyeelada kasoo gaartey dhacdadan waxaa kamid ah Maxamed Faarax Nuux oo kamid ah musharaxiinta kursiga Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ee summadiisu tahay #HOP192.

Sida ay muujinayaan macluumaadyada laga helayo goobjoogeyaal, rasaasta waxaa lagu furay hoyga musharax Nuux kaasoo dhaawaciisa uu yahay "mid sahlan laguna daaweynayo Isbitaalka Qaran ee Garowe".

"Labada qof kale ee dhaawacu soo gaarey waxaa iyadana lagu daaweynayaa isbitaalka Qaran. Xaaladoodu way fududahay waxaana la filayaa in laga soo saaro sida ugu dhaqsiyaha badan," ayuu yiri hal goobjooge.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay uu jiray is-qabqabsi ku saabsan kursiga #HOP192 kaasoo lagu waramay in loo xiray musharax Nuux balse ay reerkiisu ka hor-yimaadeen arrintaas.

Warar madax-banaan oo Garowe Online uusan si madax-banaan u xaqiijin karin ayaa tibaaxaya in laba kamid ah odayaasha beesha iska leh kursiga ay xireen ciidamadda ayna dhacdadan salka ku hayso arrintaas.

Laamaha ammaanka dowladda Puntland ayaa wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan oo kusoo aadaysa xilli Garowe ay martigelineyso doorashadda Aqalka Hoose taasoo heshiisku xeerinayo in ay daahfurnaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM