Muuse Biixi oo booqday Tukaraq, eedayna u jeediyay Puntland [DAAWO]

Image

TUKARAQ - Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Sabti ah wuxuu booqday tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, gaar ahaan Jiida hore oo ay ciidamada maamulkaan kaga jiraa degaankaasi.

Biixi oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ujeediyay ciidamada ayaa soo hadal-qaadan dagaalada ka dhacay halkaasi, isaga oo tibaaxay in dhinacooda mar kasta ay diyaar uyihiin in wadahadal lagu xaliyo xiisada.

Dadaalo ay beesha caalamku ku dooneyso in xaalada lagu dejiyo ayuu Muuse Biixi soo dhaweeyay, isaga oo sharaxaad ka bixiyay afar qodob oo uu tilmaamay inay bud-dhig uyihiin waan-waanta saaxibada caalamka.

“Shan jeer ayay ii yimaadaan, marka kasta waxay ka hadlayaan nabad…Waxaan ogolaaday xabad joojin, waxaan ogolaaday in maxaabiista laysku celiyo, waxaan ogolaaday in gargaarka lasyku furo, waxaan ogolaay wadahadal, balse, maamulka Garowe ayay dhinaciisa wax kasoo bixi la’yihiin, haday maanta ogolaadaan, diyaar baynu nahay,” ayuu yiri Biixi.

Madaxwaynaha ayaa wuxuu qiray in wadaxaajoodka uu yahay qaabka ugu wanaagsan ee loosoo afjari karo colaada daxaleystay ee labadda maamul, taasi oo ku saleysan gacan ku haynta gobolka.

“Inaga oo geed-hoostiisa ku xalin karna wax kasta ma garanayo waxaan ka aadno weerar,” ayuu yiri Madaxwayne Muuse Biixi, kaasi oo umuuqday mid carabka ku adkaynaya inay ka go’an tahay inay lasoo gabagabeeyo xiisada udhaxaysay maamulada Puntland iyo Somaliland.

Bishii Janaayo ee sanadkaan 2018 ayay ahayd markii ciidamada Somaliland ay dagaal ku qabsadeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo wixii ka dambeeyay ay ka dhaceen dagaalo kharaar, kuwaasi oo khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhawac ay ka dhasheen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM