Natiijadda doorashada qof iyo cod ee Puntland oo la shaaciyey

Image
Urur siyaasadeeda KAAH ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee saddex degmo doorasho.

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay natiijadda coddeynta qof iyo cod ee dadka saddex degmo ay ku dooranayeen goleyaasha degaanka.

Ururka Kaah ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Golaha deegaanka degmada Eyl, waxaana uu helay 13 Kursi, waxaa ku soo xiga Mideeye oo helay 6 kursi, halka Cadaalad iyo Sinnaan uu helay 4 kursi. Waxaa min labo kursi helay Horseed iyo Runta iyo Cadaaladda.

Natiijada guud ee doorashada Golaha Deegaanka degmada Ufeyn; 1- Kaah 10 Kursi, 2- Mideeye 8 Kursi, 3- Cadaaladda iyo Sinnaan 7 Kursi, 4- Mustaqbal 1 Kursi iyo 5- Horseed 1 Kursi.

Natiijada guud ee doorashada Golaha Deegaanka degmada Ufeyn waa; 1- Kaah 10 Kursi, 2- Mideeye 8 Kursi, 3- Cadaaladda iyo Sinnaan 7 Kursi, 4- Mustaqbal 1 Kursi iyo 5- Horseed 1 Kursi.

Xildhibaan Muxsin ayaa ka mid noqday Xubnaha Golaha Deegaanka degmada Qardho ee shalay la doortay, wuxuu ka mid yahay 12 Kursi ee Golaha Deegaanka uu ku guuleystay Ururka Kaah.

Muxsin ayaa noqdey qofkii ugu horeeyay ee kamid ah barakacyaasha xarunta gobolka Karkaar ee kamid noqda dowladda hoose ee Qardho waxaana intii ololaha socdey uu sameeyay bandhig fiican.

Puntland ayaa tusaale waxay u noqotay maamulada kale ee Soomaaliya maadaama ay 53-sano kadib dalka oo dhan ka qabatay doorasho qof iyo cod oo awooda  wax doorashadda dib loogu celiyey dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM