Ololaha wacyigelinta Coronavirus ee degaanada Puntland oo la xoojinayo

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka 5-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixinno looga dhageystay Madax-guddiyeedyada.

Warbixinnada laga dhageystay ayaa ku saabsanaa Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, Qorsheynta, Deegaanka, Arrimaha gudaha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kormeero iyo kulamo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee ay Hay’adaha Dawladu la wadageen Guddiyada , gaar ahaan wax ka qabashada kor u kaca iyo is bedelka ku yimi sarifka shillinka Soomaaliga.

Dhinaca kalena, Guddigu waxay soo-jeediyeen in Guddiga gaarka ah ee goluhu u-xilsaaray Wacyi-gelinta Caabuqa COVID-19 ay dar-dargeliyaan Wacyi-gelinta bulshada iyo booqashada Xarunta caafimaadka, si loo ilaaliyo bed qabadka caafimaadka iyo Fayo-dhawrka shacabka Puntland.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM