Wejiga labaad ee ololaha Qof iyo Fuusto oo la daahfuray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Ololaha Qof iyo Foosto oo daamur loogu ururinayo dhameystirka Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madasha ayaa lagu ururiyey kumanaan Foosto oo Daamur ah, Iyadoo Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ay ku deeqeen tiradii ugu badneyn ee daamur ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Puntland u leedahay Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, wuxuu ku dhawaaqay in marka qaaraan ururintu soo dhammaato, ay dowladdu dhameystirayso oo bixinayso wixii soo hara.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka Baarlamanka Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Culimo iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM