PL oo soo celinaysa sharciga dhigaya in la toogto mas'uulkii musuq ku kaca

Image

BOOSAASO, Puntland – Wasiirka Maaliyada dowladda Puntland ayaa mar kale ku celiyay in xukuumada Deni ay si adag ula tacaalayso mas'uuliyiinta ku tagrifgasha hantida dadwaynaha.

Xasan shire Cabdi [Abgaal] ayaa intaasi ku daray in ay dib u soo celinayaan sharciga dhigaya in la toogto ama xabsi daa’in lagu xukumo mas'uulkii xoolo dadwayne lunsaday

"Waxaa jira xad loogu xukumayo dilka ama xabsiga daa’inka," ayuu wasiir Abgaal daba dhigay, isaga oo aanan soo bandhigin cadadka mas'uulka dowladeed ku wajihi karo toogasho ama xabsi daa’in.

Sharciga xeerinaya in la toogto ama xabsi daa’in lagu xukumo qofkii hanti dadwayne lunsada ayaa waxaa soo rogtay dowladii milatariga ee Maxamed Siyaad Bare, inkasta oo dhowaanahaaba aanan lagu dhaqmin.

Dhanka kale, wasiir Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan howlwadeeno ka tirsan wasaarada Maaliyada oo loo xiray wax is-dabamarin ay sameeyeen, wallow uusan shaacin tiro sugan.

Hadalkaan ayuu wasiirku sheegay kadib kormeer uu ku tegay dekada magaalada Boosaaso, isaga oo u kuur-galayay qaabka ay u shaqeeyaan shaqaalaha kala duwan ee halkaasi ku sugan.

La dagaalanka musuq-maasuqa ayaa kamid ah qodobadii uu balanqaaday in uu wax ka qaban doono madaxwayne Deni intii uu olalaha ku jiray iyo kadibna, maadaama uu halis ku yahay horumarka.

Soomaaliya ayaa sanad kasta safka hore ka gasha wadamada ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana la sheegaa in madaxdu adeegsadaan dhaqaale si ay u daafacdaan kuraastooda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM