Puntland: Digniin loo diray dadka la dhuunta canshuurta

Image
Image
Image
Image
Canshuurta ayaa kamid ah waxyaabaha muhiimka ay tahay in shacabka siiyaan dowladda.

GAROWE, Puntland - Xisaabiyaha Gobolka Nugaal ee Wasaradda Maaliyadda Mukhtaar Cabdi Faarax, Agaasimaha waaxda cashuuraha beriga, Maamulayaasha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda gobalka iyo taliyaha laanta ilaalinta cashuuraha ayaa kulan ku saabsan Dar'dargalinta Dhakhliga la yeeshay Gudoomiyaha gobalka Nugaal Iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal

Xisaabiyaha ayaa Guddoomiyaha Gobolka iyo Taliyaha qaybta uga mahadceliyey ayjiibada kulan kan oo ku aadanaa siidii ay uga qayb qaadan la lahaayeen kor uqaadidda dakhaliga Gobolka, Wasaaradda Maaliyadda ugarab istaagi lahaayeen.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Xassan Tooxyare iyo taliyaha qaybta booliska G/sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa balan qaaday in ay wasaaradda Maaliyadda si hagar la'aan ugala shaqayn doonaan xoojinta dakhliga gobolka, iyagoo digniin u diray kuwa cashuuraha la dhuunta in ay bixiyaan cidii lagu qabtan talabo sharci ah laga qaadayo.

Gabagabada, kulanka waxaa la isku raacay iskaashi buuxa oo dhexmara wasaaradda maaliyadda, booliska iyo Gudoomiyaha gobalka oo hormuud u noqda dardargelinta dakhliga gobalka Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM