Duqeyn ka dhacday Goob Al-Shabaab iyo Daacish ku dagaalameen

Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Sideed xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo diyaarad dagaal ay ka fulisay tuuladda Miraalle oo 28-KM dhinaca Bari uga beegan magaalada Boosaaso, ee xarun goboleedka Bari.

Duqaynta oo la sheegay inay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa lala eegtay goobo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada PSF ee Mareykanka uu taageero ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb-qaateen howlgalka, iyagoo dhanka dhulka ah ka weeraray degaanka, kadib markii diyaaradaha ay duqeeyeen.

Labo maalin kahor, Kooxda xiriirka la leh Daacishta fadhigeedu yahay Iraq iyo Syria ee uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa sheegtay in ay dishay 14 Shabaab ah kadib weerar ay ku qaadeen saldhig nawaaxiga Miraalle ku leeyihiin.

Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] wali kama uusan hadlin duqaynta.

Al-Sabaab iyo Daacish ayaa kusoo xoogeystay dhulka buulareyda ah ee gobolka Bari shantii sano ee Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu xukumayay Puntland, waxayna labada kooxood ay hadda ku loolamayaan dhaqaalaha ay ka qaadaan ganacsiga Boosaaso.

Cabdiweli Gaas ayaa maanta isku soo sharxay doorashada January 8, 2019 xilli amniga Puntland oo faraha ka baxay, islamarkaana dhowr jiho duulaan looga soo qaadey iyo dhibaatooyin kale oo shaqo la'aan iyo dhaqaale xumo kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM