Puntland: Gaas oo magacabey Taliye cusub [Akhri Wareegto]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaanayo ee dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabey taliyaha ciidamada xasilinta ee magaalada Caasimadda ah ee Garoowe.

WAREEGTADA:

Xeer Madaxweyne Lr.171 11 November, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Xasilinta Caasimada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta caasimada Puntland ee Garoowe.
  2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
     

- DHAMAAD -

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM