Puntland: Gudoomiyaha Nugaal oo eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland, Cabdisalaan Xirsi Xasan Gujir, oo warbaahinta kula hadlay caasimada dowlad goboleedkaan ayaa eedeeymo kala duwan wuxuu ujeediyay xukuumada Xasan Cali Khayre.

Guji ayaa si adag ugu dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka inuu faragelin toos ah uu ku hayo siyaasada arrimaha gudaha maamulkaan, isaga oo xusay inuu soo dirayo Xilldhibaano iyo wasiiro Federaalka ku metala Puntland.

“Maalin kasta diyaaradbey soo raacayaan. Kama shaqeeyaa danta reer Nugaal ama Puntland. Waxaan leeyahay wax kasta maamulka hakala soo xiriireen,” ayuu yiri Gudoomiye Guji, oo war-fidiyeenka uwaramaya. 

Geesta kale, Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in Wasiirka koowaad ee Federaalka uu ku guuldareystay inuu oofiyo balamo uu ka qaaday dhalinyaradda Puntland, gaar ahaan kuwa magaalo madaxda ku dhaqan.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu balanqaad u sameeyay bahda isboortiga markii uu yimid 1-da bishii Agoosto, wuxuuna yiri roog baan udhigayaa, wali ma uusan fulin. Waxaana ka codsanayaa RW inuu ufuliyo balankii uu ka qaaday reer Nugaal,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhaliilaha ka yimid Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland oo bishii hore uu Gaas magacaabay xili dhowaan uu Madaxwaynaha uu muda xileedkiisu dhamaaday uu si kulul u eedeeyay dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM