Puntland: Gudoomiye ku-xigeenka TPEC oo is-casiley

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa is-casiley gudoomiye ku-xigeenkii Gudiga Jaamac Xirsi Faarax, waxaana go'aankiisa uu yimid saacado kadib markii tallaabadan oo kale qaadey Guuleed Faarax, oo gudoomiye u ahaa mudo labo sano iyo bar TPEC.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa is-casilaadiisa u sababeeyay arrimaha isaga u gaar ah, wuxuuna ku wargeliyay Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland, Madaxweyne Deni iyo Gudoomiyaha TPEC, oo isna shaqada ka tagey.

Lama oga waxa keenay in hal maalin ay is-casilaan labadii shaqsi ee ugu sareysay hogaanka TPEC, oo mudooyinkii dambe howlo shaqo kawadey dalka iyo dibadda kadib doorashadii gollaha degaanka ee October 25.

Puntland ayaa mudo sanado badan ka shaqeynaysay hanaan ay ugu gudbayso nidaamka xisbiyadda badan, oo madaxda lagu soo dooranayo sanduuqa, oo shacabka u codeynayaan qofka ay doonayaan inuu hogaamiyo.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM