Puntland: Halkee ayuu marayaa qabanqaabada xuska 1da August?

Image

GAROWE - Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa si xowli ah uga socda qabanqaabada loogu jiro xuska loo sameynayo maalintii dhidibada loo taagey maamulka Puntland taas oo ku beegan 1 August,2019.

Diyaar garowga  luugu jro maamuska loo sameynayo maalintaas ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu u magacaabey guddi ka kooban gole wasiiro iyo saraakiil ciidan kuwaasoo uu Madax u yahay Wasiirka maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal.

Sida GO fahansan yahay xuska loo sameynayo sanadguuurada 21aad ee ku beegan markii dhidibada loo taagey maamulkaan ayaa ka duwanaan doonta kuwii la qaban jirey Shantii sano ee la soo dhaafey kuwaas oo intooda badan ku koobnaan jirey xaflad habeenkii lagu qabto xarunta Madaxtooyada Puntland.

Dabaaldaga loo sameyn doono maalintaas ayaa warar lagu kasoon yahay u sheegeen GO iney qayb ka ahaan doonaan ciidamada Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo socod ku mari doono bartamaha magaalo madaxda maamulkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sdioo kale wararku sheegayaan inuu qayb ka yahay diyaarinta barnaamijkaan isagoo maalmihii la soo dhaafey kulamo joogta ah la qaadanyey guddiyada ku howlan qabashada munaasabada loo sameynayo maalintaas.

Maamulka Puntland ayaa mudadii uu jirey waxaa uu ku talaabsatey hurumar kala duwan iyadoo hadana ka gaabiyey inuu hirgaliyo nidaamka dimuqaraadiyada ee Hal qof Hal Cod.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa balan qaadey in nidaamka doorasho ee Hal Cod Hal qof ka shaqeyn doono sidii loo hirgalin lahaa mudada xilka uu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM