Puntland iyo hay'adda Bisha Cas ee Imaaraadka oo heshiis kala saxiixdey

Image
Image

ABU DHABI, UAE - Dowladda Puntland iyo Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Khamiis ah waxay kala saxiixdeen heshiis muhiim ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland oo lagu fahfaahin heshiiska ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu qayb ka yahay in hay'addan ay xafiis ka furato degaanada Puntland si ay u fududaato arrimaha gargaarka.

Hoos ka akhriso warka qoraalka ah

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayneed oo oggolaanaya in Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay xafiis ka furato Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini'aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee Dowladda Puntland iyo Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay'adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay'addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.

Dowladda Puntland ayaa asbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini'aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira Guddiyo Dowladdu u saartay arrimaha Gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen.

Xafiiska Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay ka furanayso Puntland ayaa ka mid noqondoona xafiisyada Dowladda kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani'aadantinimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM