Puntland iyo UNDP oo dib-u-eegay mashaariic ay isla wadaan

Image
Image
Image
Mashariicda waxaa kamid ah JPP oo lagu taageero Booliiska Puntland wixii ka qabsoomay sanadkii dhamaaday ee 2021

GAROWE, Puntland - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland, Maxamed Imaan Cabdulle ayaa kulan la qaatay Madax Sar-sare oo ka socata hay'adda UNDP.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, Cabdulle waxaa is-aragan muhiimka ah ku wehliyey Agaasimaayasha waaxaha Maamulka, Qorsheynta iyo Amniga.

Shirkaan ayaa, sida ku xusan bayaanka, wuxuu ku qabsoomay xarunta dhexe ee wasaaradda, iyadda laga hadlaayey mashaariicaha ay isla wadaan wasaaradda iyo UNDP.

Mashariicda waxaa kamid ah JPP oo lagu taageero Booliiska Puntland wixii ka qabsoomay sanadkii dhamaaday ee 2021 iyo qorshaha sanadka 2022 oo la rajeynaayo inay bilaamaan horaanta bisha soo socota.

Dhanka kale, waxaa isna madaxda wasaaradda iyo UNDP dib u eegis ku sameeyeen wixii qabsoomay mashruuca JSSGP oo dhamaaday kaas oo ahaa dib u habaynta hay'addaha amniga iyo sidii loogu heli lahaa tageera kale oo booskiisii lagu bedelo.

"Shirkaan ayaa kusoo dhamaaday jawi is-afgarad iyo wadashaqayn mugleh oo qolo walba shaqadeedii lagu amaanay inay sidii ugu habanooday u guteen," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM