Puntland: Musharax Madaxweyne oo tanaasulay, si uu ugu tartamo xil kale

Image

GAROWE, Puntland - Mid kamid ah Musharixiinta Puntland ayaa shaaciyay inuu ka tanaasuley tartanka xilka Madaxweynaha, isagoo isku soo taagey jago kale, waxaana uu ka qeybgalayaa doorashada 8-da bishan dhacaysa.

Sadiiq Eenow, ayaa u tanaasulay Dr Cali Ciise Cabdi, oo ah musharax kasoo jeedo gobolka Sool kaasoo bishii lasoo dhaafay dhamaadkeeda munaasabad uu ku qabtay Garowe uga dhawaaqay Musharaxnimadiisa.

Musharaxa ka haray loolanka Kursiga Madaxweynaha Puntland, Saadiq Eenow oo ka soo jeeda gobolka Karkaar, ayaa shaaciyay inuu u sharraxanyahay xilka Madaxweyne ku xigeenka.

Go'aanka Eenow ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobolkiisa ay ka socdaan sanadkan musharaxiinta ugu badan ee doorashada Madaxtnimada Puntland, taasoo ay ku tartamayaan in ka badan 20 musharax.

Dr Saadiq Maxamed Axmed ‘Saadiq Eenow’ waa siyaasi xilal kala duwan soo qabtay, waxa uuna mar ahaa mushharax Madaxweyne, marna soo noqday Wasiirka Caafimaadka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM