Puntland: Musharixiin kahor yimid Guddiga uu Gaas magacaabey

Image

GAROWE, Puntland - Qaar kamida musharixiinta Puntland, ayaa kasoo horjeystay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee uu shalay magacaabey Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Musharaxiinta oo maanta Shir jaraa'id ku qabtey Garoowe, ayaa sheegay in xubnaha ku jira guddiga aysan noqon karin kuwo cadaalad iyo dhexdhexaad ah, maadaama badankood waa mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland iyo saaxiibo ku dhow Gaas.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar "Cumey" oo ka hor-yimid Guddiga.

Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta.

Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid [Juxa] ayaa ka digay khilaafka iyo is-barbar-yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamanka. [Halkan ka akhri warka].

Xubnaha Guddiga uu ku dhawaaqay Gaas:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM