Puntland oo amar dul dhigtay ciidamada ku sugan kontaroolada

Image

GAROWE, Puntland - Gobolada Puntland waxaa ka bilowday qaadista cashuuraha gaadiidka si dakhliga dalka kor loogu qaado Dawladduna u gudato waajibaadkeeda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ahna Gudoomiyaha guddiga dib-u-habaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay Cashuuraha gaadiidka.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa u waramay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

"Ilaahay ayaa mahadi u sug-naatay oo nasiiyay nabad galyada aynu haysano, marka aan u soo laabto waxaa bilowday ololihii cashuuraha gaadiidka Bulshada reer Puntland ee wanaagsan, waxaan u soo jeedinaynaa in aad bixisaan Cashuuraha idinku waa jibay lana shaqaysaan Ciidmada iyo shaqaalaha Dawladda".

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland oo sii hadlaya ayaa ku daray;

"Dawladda uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go'an in Puntland laga sameeyo hurumar ku aadan Ciidamada, Caafimaadka, Sugida Amniga, horumarinta Kaabayaal dhaqale iyo in shaqo abuur loo sameeyo Dhalinyarada intaasina waxa ay ku iman karaan garab istaaga Dawladda iyo Bixinta Cashuuraha Bulshada ku waa jibtay"

Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda, ayaa amar dul dhigay ciidamada Dawladda ee ku sugan baraha kantarool ee dalka.

"Ciidamada ilaaladda Cashuuraha waxaan faraynaa in aan lasii dayn karin gaari aan cashuurnayn midna ogaada waanu la soconaa goob kasta dhaq dhaqaaqeeda," ayuu xusay.

Wasiir Xasan oo u muuqda mid kalsoonida badan qaba ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Waxaana raynaynaa in aad guda taan waa jibaad ka shaqo ee laydiin igmaday".

GO + Wasaarada Maaliyadda Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM