Puntland oo amar dul-dhigtay hay'addaha shaqaalaysiiya ajaaniibta

Image

GAROWE, Puntland – Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa fartay shirkadaha, goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay iyo hay'addaha caalamiga ee ka howlgala in ay soo gudbiyaan xogta howlwadeenadooda.

Sidda ku cad war-saxaaafadeed kasoo baxay wasaaradda, xarumahaasi ayaa laga doonayaan in ay kusoo gudbiyaan macluumaadkaasi muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 14-ka May illaa iyo 14-ka 2019.

Xogta la doonayo oo ah heshiisyada shaqo, CV-yadda iyo Dal ku galka ayaa si gaar ah waxaa looga baahan yahay shaqaalaha ajnabiga ah, sidda laga soo xigtay bayaanka.

Wasaaradda oo sidoo kale u digtay hay’addahaasi in sifo aan sharci ahayn ay shaqaalaysiiyaan shaqsiyaad shisheeye ayaa ku tartarsiisay in ay kusoo war-geliyaan wasaarada kahor inta aysan dalka keenin.

Go’aankaan ayaa imaanaya xili bishii hore madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka dhawaajiyey in xukuumadiisa ay xakameyn doonto shaqaalaha ajaaniib ah si kuwa wadaniga ah ay fursad u helaan.

Puntland, maamul dhisan in ka badan 20-sano isla markaana amni badan uu ka jiro, ayaa sanadihii u dambeeyay waxa uu soo jiitay shaqaalo ajaaniib ah, inkasta oo ay daaqada kala baxaan dhalinyarada dalka wax ku baratay.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM